Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa isniintiisii 4aad soo xareeyay 1.50 crore asigoona haatan wadarta guud todobaadkiisa 4aad maraayo 14.50 crore nadiif ah wuxuuna ku ekaan doonaa todobaadkiisa 4aad 18-19 crore qiyaas ahaan.

Waa hubaal inuu dhaafi doono lacagaha filimka Kabir Singh soo xareeyay todobaadkiisa 4aad wuxuuna noqon doonaa filimka 3aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkiisa 4aad asigoona rikoorkaan kala wareegi dooni filimka Kabir Singh wuxuyna sidoo kale gadaal iska marin doono filimo ay kamid yihiin Dangal iyo PK.

Tanhaji ganacsigiisa guud haatan wuxuu marayaa 246 crore wuxuuna todobaadkiisa 4aad markuu dhameysto gaari doonaa 250 crore asigoona kadib ku darsan doono 10 ilaa 12 crore kale sidaas owgeed cimri ahaantiisa Tanhaji wuxuu keeni doonaa 260 ilaa 265 crore lacago u dhaxeeyaan qiyaas ahaan.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Tanhaji iyo ganacsigiisa halka uu maraayo;

Week1; 115.28 crore.

Week2; 77.87 crore.

Week3; 38.48 crore.

Jimce; 2.25 crore.

Sabti; 4.50 crore.

Axad; 6.25 crore.

Isniin; 1.50 crore.

Wadarta guud; 246.13 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here