Superstar Ajay Devgn, Kajol iyo Saif Ali Khan filimkooda Tanhaji – The Unsung Warrior weli ganacsi adag ayuu sameenayaa wuxuuna Isniintiisa shanaad keenay 75 Lakh waxaana muuqato in todobaadkiisa shanaad uu keeni doono 9 Crore wuxuuna ka mid noqon doonaa taariikh ahaan 5-filim ee lacagaha ugu badan todobaadkooda shanaad soo xareeyeen.

Waxaa xusid mudan filimkii Dangal inuu todobaadkiisa 5-aad keenay 8.62 Crore haatana hubanti ahaan Tanhaji ayaa dhaafi doono madaama Tanhaji haatan todobaadkiisa shanaad mudo afar maalmood ah uu kusoo xareeyay 7 Crore.

Wadarta guud ilaa iminka filimka Tanhaji – The Unsung Warrior wuxuu soo xareeyay 258 Crore sida ay soo daabacday shabakada BOI wuxuuna cimri ahaatiisa ku dhawaan doonaa filimkan inuu ku istaago 270 Crore, sidoo kalena tiyaatarada baaqi ayuu kusii ahaan doonaa ilaa filimka Baaghi 3 masraxa la wareegayo 3 bisha Maarso.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ganacsiga uu sameeyay ilaa iminka soona daaacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 77.87 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 38.48 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 19.31 Crore (rasmi)

Jimco shanaad – 1 Crore (qiyaas)

Sabti shanaad – 2.25 Crore (qiyaas)

Axad shanaad – 3 Crore (qiyaas)

Isniin shanaad – 75 Lakh (qiyaas)

Todobaadka shanaad – 7 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 257.94 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here