Superstar Ajay Devgn, Saif Ali Khan iyo Kajol filimkooda Tanhaji ayaa ku jiro bandhig ganacsi oo riyo ku dheehan madaama Isniintiisa sedexaad uu filimkan keenay 4 Crore wuxuuna haatan wadarta guud soo xareeyay mudo 18-maalmood ah 222.65 Crore (Trade Figure) waana ganacsi waali ah wuxuuna hiigsanaa cimri ahaantiisa inuu gaaro 260 Crore ilaa 275 Crore inta u dhaxeyso.

Filimka Tanhaji todobaadkiisa sedexaad afarta maalmood ugu horeyso wuxuu keenay 29.50 Crore waxaana xusid mudan sanadkii hore filimkii laga yaabay Uri inuu keenay 37 Crore todobaadkiisa sedexaad waana hubanti Tanhaji iskoorkii Uri inuu dhaafi doono madaama todobaadkiisa sedexaad inuu dhameestirto sedex maalmood kaga harsan tahay.

Sidoo kale waxay u badan tahay Tanhaji inuu noqdo filimka 4-aad ee taariikh ahaan u suura gasho todobaadkiisa afaraad inuu keeno 40 Crore ganacsi gaarayo ama sare u dhaafayo waxaana haatan iskoorkaas heestaan Bahubali The Conclusion (69.43 Crore), Dangal (44.02 Crore) iyo PK (41.32 Crore). Sidoo kale filimka Tanhaji wuxuu ganacsi waali ah ka sameenayaa gobolka Maharashtra wuxuuna ku socdaa todobaadkiisa sedexaad ganacsiga uu ka sameenayo magaalooyinka Mumbai, Thane, Pune iyo magaalooyinka yar yar ee gobolkan weyn ka tirsan inuu ganacsi ahaan Bahubali 2 ku garaaco!

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tanhaji – The Unsung Warrior iyo mudo 18-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 77.87 Crore (rasmi)

Jimco sedexaad – 5 Crore (qiyaas)

Sabti sedexaad – 8.50 Crore (qiyaas)

Axad sedexaad – 12 Crore (qiyaas)

Isniin sedexaad – 4 Crore (qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 29.50 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 222.65 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here