Inaba caadi ma ahan filimka Tanhaji maba hakanaayo madaama Jimcadiisa lixaad filimkan uu keenay 60 Lakh sida ay soo daabacday shabakada BOI waxayna ka dhigan tahay in todobaadkiisa lixaad ganacsi kale oo taariikhi ah inuu sameyn doono filimkan hirgalay.

Superstar Ajay Devgn filimkiisa Tanhaji haatan wuxuu soo xareeyay 260.54 Crore ($36.52m) waa lacagta nadiifka ah canshuurta kadib waana hubanti filimkan cimri ahaantiisa 265 Crore inuu ka talaabi doono oo uu ilaa 270 Crore gaari doono.

Filimka Tanhaji ganacsigiisa 60% iyo ka badan wuxuu ka sameenayaa gobolka Maharashtra wuxuuna heestaa fursad oo uu Sabti & Axad ganacsi wanaagsan ku sameyn karo waxaana muuqato in mashruucan masraxa baaqi kusii ahaan doono ilaa laga gaarayo 6 Maarso waa marka filimka Baagh 3 masraxa la wareegi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tanhaji iyo mudo 36-maalmood ah lacagaha nadiifka ah uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 77.87 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 38.48 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 19.31 Crore (rasmi)

Todobaadka shanaad – 9 Crore (qiyaas)

Jimco lixaad 60 Lakh (qiyaas)

Wadarta Guud – 260.54 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Tanhaji ilaa iminka waxaa u suura gashay suuqyada caalamka inuu kasoo xareeyo 36 Crore ($5.03m) qiyaas ahaan ganacsigiisa dibad & dal la isku daray wuxuu maraa 352.50 Crore ($49.28m) qiyaas ahaan lacagtan weli si rasmi ah looma sixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here