Superstar Ajay Devgn Saif Ali Khan iyo Kajol filimkooda Tanahji – The Unsung Hero ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay Arbacadiisa kowaad madaama weli feestooyin gobolada qaar Hindiya ka jireen wuxuuna keenay 16.25 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan filimkan mudo lix maalmood ah inuu soo xareeyay 105 Crore ganacsi qarka u saaran wuxuuna noqday filimka ugu horeeyay Bollywood-ka sameeyeen ee sanadkan 2020 darajada 100 Crore bilaabo.

Sida shabakada BOI ku dhawaaqday Tanhaji waa HIT sidoo kalena haddii Jimcadiisa labaad ganacsi ahaan is celiyo darajada Super HIT ayuu si sahlan ugu dalaci doonaa waxaana xusid mudan in filimkan gobolka Maharashtra ee Mumbai xarun u tahay inuu Blockbuster ka noqday madaama uu halkaas ganacsi taariikhi ah ka sameenayo weliba waxaa macquul ah in todobaadkiisa kowaad uu suuqan ka keeno 50 Crore!

Fadlan hoos kaga bogo Tanhaji iyo 6-da maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) ayado filimkan maal maha Isniin ilaa Arbaco si heer sare ah isku celiyay ganacsi ahaan:

Jimco – 14.50 Crore

Sabti – 19.75 Crore

Axad – 25.50 Crore

Isniin – 13.50 Crore

Talaado – 15.25 Crore

Arbaco – 16.25 Crore

Wadarta Guud – 104.75 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here