Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo Update gareesay ganacsiga filimka weyn Tanhaji – The Unsung Warrior ee Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka ahaa halka Saif Ali Khan uu laadar ka ahaa sidoo kalena Kajol Devgn iyadana door muhiim ah ayay ku laheyd.

Haddaba Tanhaji ganacsigiisa wuxuu ku istaagay 269.60 Crore (Trade Figure) hubaal ahaana 270 Crore wuu gaari lahaa haddii tiyaatarada Hindiya la xiri laheyn laga bilaabo Isniintii aan kasoo gudubnay.

Sidoo kae Tanhaji wuxuu fursad u heestay 100-maalmood inuu masraxa saarnaado balse hadda midaas uma suura galin madaama tiyaatarada la xiray weliba gobolka Maharashtra ee Mumbai xarun u tahay ayuu iskoorkan ka sameyn lahaa wuxuuna la mid noqon lahaa filimada dhawaanahan 100-maalmood masraxa saarnaayeen sida Bahubali 2 oo 100-maalmood saarnaa tiyaatarada ku yaalo Ahmedabad, Surat iyo Noida iyo Bahubali 1 oo isagana magaalooyin badan 100-maalmood ka badan saarnaa.

Fadlan hoos kaga bogo ganacsiga filimka Tanhaji uu sameeyay todobaad walbo mashruucan Blockbuster-ka weyn noqday soona daabacday xogtiisa shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore

Todobaadka labaad – 77.87 Crore

Todobaadka sedexaad – 38.48 Crore

Todobaadka afaraad – 19.31 Crore

Todobaadka shanaad – 8.90 Crore

Todobaadka lixaad – 5.07 Crore

Todobaadka todobaad – 2.66 Crore

Todobaadka sideedaad – 1.37 Crore

Todobaadka sagaalaad – 51 Lakh

Todobaadka tobonaad – 15 Lakh (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 269.60 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here