Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa ganacsi cajiib ah markale sameeyay todobaadkiisa 4aad asigoona soo xareeyay 18.50 crore wuxuuna filimkaan haatan ganacsigiisa guud mudo 28 maalmood kor usii dhaafay 250 crore.

Tanhaji ayaa wuxuu sidaan ku yahay filimka 12aad ee lacagaha ugu badan abid gudaha India kasoo xareeyay.

Tanhaji sadaxdiisa maalin ugu horeyso siweyn ayuu u gadmay asigoona keenay 13 crore balse 4tii maalin ugu dambeysay sidii la rabay uma gadmin taasoo sabab u noqotay inuu ka gaabiyo filimlaan inuu gaaro darajada 20 crore todobaadkiisa 4aad waana darajo kaliya ay uga horeeyeen filimada Uri – The Surgical Strike iyo Bahubali – The Cunclusion.

Tanhaji haatan sidaan wuxuu ku noqday filimka 3aad ee todobaadkiisa 4aad ganacsiga ugu badan asoo xareeyay asigoona rikoorkii Kabir Singh ee sanadkii hore ka talaabay waana arin wanaagsan.

Ganacsiga uu Tanhaji kasoo xareeyay haatan magaalada Mumbai waa 132.50 crore waxaana cajiib ah in filimka kusoo xigo ee Dangal uu ka badanyahay 28 crore.

Filimkaan ayaa haatan waxaa sidoo kale tikid u goostay in kabadan 20 Million oo qof waana arin kale oo wanaagsan maadaama uu 20 Million ka talaabay asigoo todobaadkiisa 4aad maraayo.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka Tanhaji iyo mudo 4 isbuuc (28 maalmood) ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 115.28 crore.

Week2; 77.87 crore.

Week 3; 38.48 crore.

Jimce; 2.25 crore.

Sabti; 4.50 crore.

Axad; 6.25 crore.

Isniin; 1.50 crore.

Talaado; 1.40 crore.

Arbaco; 1.35 crore.

Khamiis; 1.35 crore.

Wadarta guud; 250.23 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here