Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo update gareesay Taapsee Pannu filimkeeda Thappad ganacsiga uu sameeyay todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 40 Lakh madaama filimkan bur bur lixaad leh ku dhacay waxaana ugu wacan tiyaatarada oo Angrezi Medium iyo Baaghi 3 waxaa intaas u dheer tiyaatarada magaalooyinka waa weyn ku yaalo oo badankooda la xiray iyadana waa dhibaato kale.

Filimka Thappad mudo 17-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 29.80 Crore ama ganacsi 30 Crore gaarayo balse mashruucan masii socon doono waana filim fashilmay laakiin qolyaha aflaanta ka faaloodaan waxay ku dhawaaqeen mashruucan inuu HIT yahay inkastoo BOI ku tilmaantay sheekadaas mid lagu qoslo madaama mashruucan daawadayaasha iska diideen.

BOI waxay leedahay filim walbo wuu guuleesan karaa haddii ganacsigiisa Satellite-ka iyo Digital-ka loo xisaabiyo balse waxaa asal ah in filimka tiyaatarka ka gadmo sidaa darteed filimka Thappad ayadoo lacago ay ka heleen qolyaha iska leh haddana wuu guul dareestay madaama daawadayaasha aysan soo dhaweynin.

Sidoo kale BOI waxay leeyihiin filimada Jawaani Jaaneman iyo Bhoot xitaa waa kuwo guuleesteen haddii la xisaabinayo lacagaha laga helo Satellite-ka iyo Digitalka balse waxaa muhiim ah in tiyaatarka ganacsi laga sameeyo weyna ku fashilmeen filimadaas.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay filimka Thappad soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 20.89 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 8.51 Crore (rasmi)

Jimco sedexaad – 20 Lakh

Sabti sedexaad – 12.50 Lakh

Axad sedexaad – 7.50 Lakh

Todobaadka sedexaad – 40 Lakh (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 29.80 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here