Taapsee Pannu filimkeeda Thappad todobaadkiisa labaad ganacsi gaabis ah ayuu sameeyay wuxuuna keenay 8.50 Crore waxaana caawiyay fasixii Holi balse sida guud ganacsiga filimkan ma ahan mid wanaagsan madaama labo todobaad wadarta guud uu soo xareeyay 29.25 Crore sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI).

Filimka Thappad todobaadkiisa labaad 60% hoos u dhac ayuu sameeyay mana ahan wax uu xamili karo madaama todobaadkiisa kowaad ganacsigiisa gaabis ka muuqday filimkan waxaa caqabad ku noqotay waqtiga la saaray madaama todobaadkiisa labaad Baaghi 3 tiyaatarada ka qabsaday inkastoo fariintiisa la amaanay.

Filimka Thappad ganacsi ahaan wuxuu dhaafay aflaanta gabdhaha hogaamiyaal ka yihiin sida Saand Ki Aankh iyo Panga sidoo kalena Chhapaak wuu dhaafi doonaa balse uma suura gali doonto inuu gaaro filimka Mardaani 2 oo 45 Crore keenay cimri ahaantiisa waana filimka kaliya ee atirisho hogaamiye ka tahay kaasi oo dhawaanahan guuleestay.

Fadlan hoos kaga bogo mudo labo todobaad filimka Thappaad ganacsiga uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 20.89 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 8.40 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 29.29 Crore ($3.95m)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here