Filimka Thappad oo ay hogaamiyaha ka tahay atariishada qaab jiliinka wanaagsanee Taapsee misna Directed ka yahay Anubhav Sinha ayaa ganacsi liito sameeyay todobaadkiisa 1aad asigoona soo xareeyay kaliya 21 crore.

Filimka Chappaak oo ay hogaamiyaha ka tahay atariishada Deepika Padukone misna Box Officeka ku burburay ayaa ka wanaagsa filimka Thappad markii loo fiiriyo todobaadkiisa koowaad ganacsiga ay sameeheen ayadoo uu Chhapaak soo xareeyay 26.23 crore, balse wuxuu asna ka ganacsi fiicanyahay filimada Panga iyo Saand ki Aankh kuwaasoo soo kala xareeyeen 15.24 carore iyo 11.58 crore sida ay u kala horeeyaan.

Balse filimka Thappad wuxuu filimadaas kale dheeraa in subaacaan kaligiisa tiyaatarka ku cusbaa balse jaaniskaas kama faa’ideysan haatana waxaa tiyaatarada ugu badan la wareegay filimka Baaghi 3.

Uma muuqato in filimkaan todobaadkiisa labaad is celin doono maadaama caabuqa Corona-Virus gudaha India ka dilaacay dadkana ay ka fogaan doonaan cudurkaas oo daawadayaasha tiyaatarooyinka soo aado wey yaraan doonaan tiiyoo ay jirto in Filimka Baaghi 3 asna tiyaatarada ku cusubyahay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo todobaad ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 2.75 crore.

Sabti; 4.75 crore.

Axad; 6.25 crore.

Isniin; 2 crore.

Talaado; 2 crore.

Arbaco; 1.75 crore.

Khamiis; 1.65 crore.

Wadarta guud; 21.15 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here