Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabatay duubista filimka Actionka khiyaaliga ah kaasoo uu hogaamiyaha kayahay jilaaga laga daba dhacay ee Keanu Reeves.

Filimkaan oo sadaxdiisa qeyb hore guulo waaweyn gaareen misna sheeko ahaan si weyn loola dhacay ayaa haatan waxaa duubis lagu bilaabay qeybtiisa 4aad oo mid xiiso leh.

Duubista filimkaan ayaa ka bilaabatay magaalada San Francisco waxaana goobta ku sugnaayeen hogaamiyaha filimkaan Keanu Reeves iyo atariishada Carrie-Anne Moss taasoo filimkaan atariisho koowaad ka aheyd qeybihiisa hore.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaayeen gabdhaha qoray sheekada filimkaan misna Directedka ka ah ee Lana iyo Lilly iyo dhamaan kooxda duubeyso filimkaan.

Ugu dambeyn filimkaan ayaa la daawan doonaa misna tiyaatarada aduunka la saari doonaa 21 May 2021da wuxuuna kamid yahay filimada sida waalida loo sugaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here