Waan ka xunahay Priyanka Chopra iyo Farhan Akhtar filimkooda The Sky Is Pink daawadayaasha wey iska diideen kadib markii 45% ilaa 50% hoos u dhac uu sameeyay Isniintiisa kowaad wuxuuna keenay 1.30 Crore ($182k).

Filimka The Sky Is Pink haatan mudo afar maalmood ah wuxuu soo xareeyay 11.80 Crore ($1.65m) waxayna u muuqataa in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 15 Crore kadibna uma muuqdo inuu sii socon doono filimkan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka The Sky Is Pink iyo mudo 4-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 2.50 Crore

Sabti – 4 Crore

Axad – 4 Crore

Isniin – 1.30 Crore

Wadarta Guud – 11.80 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Joker waxaa u suura gashay mudo 13-maalmood ah inuu 50 Crore ($7.01m) sidoo kalena waxaa muuqato in cimri ahaantiisa 60 Crore ka talaabi doono waxaa macquul ah in xitaa 70 Crore uu gaaro weliba Af Ingiriis kaliya ama hal luqad oo kaliya ayaa filimkan lagu daawanayaa.

Filimka Joker oo HIT noqday Isniintiisa labaad wuxuu keenay 1.65 Crore sidoo kalena mudo 13-maalmod ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 37.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Jimco labaad – 2.50 Crore

Sabti labaad – 4.50 Crore

Axad labaad – 4.50 Crore

Isniin labaad – 1.65 Crore

Wadarta Guud – 50.65 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here