Rasmi: filimka Tiger Zinda Hai oo tiyaatarada ka dagay, ganacsigiisa, natiijadiisa rasmiga ah iyo tirada tikit u goosteen

Filimka weyn Tiger Zinda Hai ee hogaamiyaha ka yihiin Mega Star Salman Khan iyo Katrina Kaif ayaa si rasmi ah tiyaatarada kaga dagay.

TZH oo uu Director ka yahay Ali Abas Zafar xogtiisa dhameestiran shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday waana filim macaash waali ah ka heshay shirkada Yash Raj Films.

Macluumaadka Tiger Zinda Hai oo dhameestiran fadlan hoos kaga bogo:

Xiliga tiyaatarada la saaray: 22 Dec 2017

Tiyaatarada laga daawaday: 4600

Nidaamka uu ku furmay: Si Waali Ah (Bumper Opening)

Maalinta kowaad lacagta uu keenay: 34.12 Crore

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu keenay: 114.91 Crore

Todobaadkiisa kowaad lacagaha uu keenay: 206.04 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay –210 Crore

Lacagaha nadiifka ah ee uu keenay – 339 Crore

Lacagtaan hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo – 339 Crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor – 428.43 crore

Lacagaha uu suuqyada caalamka ka keenay: $20.73M

Lacagaha uu keenay isku darka dibad iyo dal – 561.10 Crore

Tirada tikit u goosatay –  30-malyan 889,000 oo qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen – 167.82 Crore

Natiijadiisa: BLOCKBUSTER

Qiimeynta IMDB Rating – 6.4/10