Rasmi: Filimka Toilet Ek Prem Katha iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha ayaa 45% hoos u dhac ganacsigiisa Isniinta ama shalay sameeyay marka lala bar bar dhigo ganacsigii uu Jimcadii sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday waana hoos u dhac la aqbali karo.

Filimka Toilet Ek Prem Katha wuxuu gudaha China shalay ka keenay $1.27M sidoo kalena ganacsigiisa guud mudo afar maalmood ah wuxuu haatan marayaa $10.35M.

Filimka Toilet Ek Prem Katha oo kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen $7M waana qasab inay macaash ka heli doonaan oo u dhaxeen doono $14M ilaa $15M.

Akshay Kumar bilaaw wanaagsan ayuu China la tagay waxaana haatan kalsooni lagu qabaa sanadkan qaybihiisa dambe filimkiisa Padman marka suuqa China la saaro inuu ganacsi xoog badan sameyn doono madaama fariintiisa haweynka la xariirto inta badan haweenka reer China tiyaatarada ku xoog badan yihiin dhanka daawashada.

Fadlan hoos kaga bogo Toilet Ek Prem Katha iyo mudo afar maalmood ah ganacsiga uu China Boxoffice ka sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco:

Lacagta- $2,350,000

Shaashadaha – 57,136

Tirada tikit u goosatay – 497,184

Sabti:

Lacagta – $3,550,000

Shaashadaha- 54,901

Tirada tikit u goosatay – 735,355

Axad:

Lacagta – $3,180,000

Shaashadaha – 53,359

Tirada tikit u goosatay – 655,166

Isniin:

Lacagta- $1,270,000

Shaashadaha- 52,542

Tirada tikit u goosatay- 268,454

Wadarta Guud

Lacagta- $10,350,000

Shaashadaha- 217,938

Tirada tikit u goosatay – 2,156,159

2 Comments

    • Ugaas wey ku qoran tahay meesha waxaa lagu iibsaday $7M filimkan sida qoraalka ku xusan wxaana lag heli doonaa labo laab faa’iido ah lacagtii lagu iibsaday.

Comments are closed.