Home » Box Office » Rasmi: Filimka Toilet Ek Prem Katha iyo mudo 5-maalmood ganacsiga uu China ka sameeyay

Rasmi: Filimka Toilet Ek Prem Katha iyo mudo 5-maalmood ganacsiga uu China ka sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha ayaa keenay $1.12M maalintiisa shanaad ama Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu China ka sameenayo wuxuuna sameeyay 13% ilaa 14% hoos u dhac marka lala bar bar dhigo Isniintii ganacsiga uu sameeyay.

Filimka Toilet Ek Prem Katha mudo shan maalmood ah wuxuu soo xareeyay $11.5M waana lacag u dhiganto 77.70 Crore waxaana muuqato in 100 Crore inuu dhul weynaha China kasoo xareen doono.

Toilet Ek Prem Katha waa filim China Boxoffice guul wacan ka gaaray laakiin BIG HIT kama noqon doono suuqan sida ay ka noqdeen filimada Dangal Secrer Superstar, Bajrangi Bhaijaan iyo Hindi Medium madaama hoos u dhac joogto ah uu sameenayo.

Fadlan hoos kaga bogo Toilet Ek Prem Katha mudo shan maalmood ah ganacsiga uu dhul weynaha China ka sameeyay:

Jimco – $2.35M

Sabti – $3.55M

Axad – $3.18M

Isniin – $1.27M

Talaado – $1.12M

Wadarta Guud – $11.50M