Rasmi: filimka TZH iyo Isniintiisa 6-aad ganacsiga uu sameeyay PK oo sida ugu dhaqsiyaha badan looga talaabsan doono

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai ganacsigiisa ayuu iska wataa inkastoo tiyaatarada waa weyn uu ka heesto filimka Padmaavat.

TZH ayaa keenay 25 Lakh Isniintiisa lixaad haatana ganacsigiisa todobaadkiisa lixaad wuxuu marayaa 1.95 Crore mudo afar maalmood ah waxaana u harsan sedex maalmood.

TZH todobaadkiisa lixaad wuxuu keeni doonaa 2.50 Crore wuxuuna garaaci doonaa ganacsiga filimada waa weyn ay sameeyeen todobaadkooda lixaad.

Dangal wuxuu keenay todobaadkiisa lixaad 1.63 Crore halka Bajrangi Bhaijaan uu keenay 1.49 Crore todobaadkiisa lixaad waxaana lala yaaban yahay in TZH uu ka ganacsi wanaagsanaado filimadaan fariintooda bulshada quseesay ee mudada dheer tiyaatarada saarnaayeen.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsiga uu sameeyay ilaa haatan sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 10.87 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 5.83 Crore (Rasmi)

Jimco Lixaad – 65 Lakh

Sabti Lixaad – 45 Lakh

Axad Lixaad – 55 Lakh

Isniin Lixaad – 25 Lakh

Todobaadka Lixaad – 1.95 Crore (Mudo 4-maalmood)

Wadarta Guud – 337.39 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

TZH oo hada ganacsigiisa maraayo 337.39 Crore waa hubaal maanta iyo berito ganacsiga  uu sameeyo inuu ku dhaafi doono filimka PK oo sanadii 2014 Boxoffice-ka kasoo xareeyay 337.72 Crore.

3 Comments

  1. pk waxuu keenay 337.72 Crore maant ayuu dhaafi doonaa TZH sida muuqato waana guul aad u weyn sababtoo ah filim actoin ah in uu heerkaan gaaro wax macquul ah maahan awooda salma khan ayuu ku gaaray heerkaan

Comments are closed.