Filimka fariinta shactirada iyo arimaha qoyska xambaarsan Ramprasad Ki Tehrvi ayaa si rasmi ah u noqonaayo mashruuca ugu horeeyo Bollywood-ka tiyaatarada saari doonaan sanadka cusub 2021 ee kaabiga nagu soo haayo sida kooxda iska leh shaaca ka qaadeen.

Filimka Ramprasad Ki Tehrvi waxaa wada jilayaan Naseeruddin Shah, Supriya Pathak, Konkona Sen Sharma, Vikrant Massey, Manoj Pahwa, Parambrata iyo Vinay Pathak waxaana tiyaatarada la saari doonaa 1 Janaayo 2021 sidoo kalena filimkan waxaa loo sameyn doonaa xayeysiin balaaran labada todobaad ee nagu soo fool leh.

Filimka Ramprasad Ki Tehrvi waxaa Director ka ah gabadha lagu magacaabo Seema Pahwa halka shirkadaha Jio Studios iyo Drishyam Films isla maal galinayaan. Fadlan goos gooska kooban ee mashruucan Bollywood-ka 2021 ku af bilaaban doonaan hoos kaga bogo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here