Vaishnav Tej filimkiisa kowaad ayaa fanka Telugu heesto maalin walbo mashruucan darajo cusub ayuu u dalacayaa madaama uu ganacsi heer sare ah sameenayo wuxuuna haatan u dalacay darajo ahaan mashrucan Double Blockbuster madaama mudo 5-maalmood ah ganacsi heer sare ah uu sameeyay.

Filimka Uppena waxaa u suura gashay mudo 5-maalmood ah inuu gudaha Hindiya kasoo xareeyo canshuurta kadib 46.19 Crore halka canshuurta ka hor uu keenay filimkan hirgalay 53.60 Crore waxaana u suura gashay suuqyada caalamka inuu kasoo xareeyo 1.40 Crore.

Mashruucan hirgalay waxaa u suura gashay ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro inuu soo xareeyo 55 Crore (Worldwide Gross) waxayna qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen wadarta guud 33.50 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 20 Crore taasi oo ka dhigan inay macaash 13.50 Crore nadiif ah ka heleen waana sababta keentay filimkan darajo ahaan inuu Double Blockbuster u dalaco madaama macaash waali ah mudo 5-maalmood ah filimkan looga helay.

Vaishnav Tej filimka Uppena waxaa kula jirto atirishada fanka Telugu ku cusub Kirthy Shetty waxaana u suura gashay labadan fanka ku cusub aqoonsi lixaad leh si deg deg ah inay ku helaan sidoo kalena filimkan door awood badan ku leh oo xumaan ku dheehan xidiga reer Tamil Vijay Sethupathi oo dhalintan si adag u garab istaagay laguna doorkiisa awooda badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here