Home » Box Office » Rasmi: Filimka Veere Di Wedding Iyo Insiintiisa Labaad Ganacsiga Uu Sameeyay

Rasmi: Filimka Veere Di Wedding Iyo Insiintiisa Labaad Ganacsiga Uu Sameeyay

Kareena Kapoor Khan iyo Sonam Kapoor filimkooda Veere Di Wedding ayaa iska wato sameynta ganacsi wacan wuxuuna Isniintiisa labaad keenay 1.75 Crore (Trade Figure).

Filimka Veere Di Wedding mudo 11-maalmood ah wuxuu soo xareeeyay 67.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday waxaana muuqato in todobaadkiisa labaad kaliya uu keeni doono 18 Crore waana ganacsi wacan.

Filimka Veere Di Wedding mudo labo todobaad ganacsigiisa wuxuu gaari doonaa 72.50 Crore kadibna waxay ku xirnaan doontaa ganacsigiisa guud tiyaatarada uu helo marka Race 3 Jimcadaan la saaro masraxa haddii Veere Di Wedding tiyaataro kooban loo reebo ilaa 75 Crore uu ka gaaro ganacsigiisa wuu socon doonaa waana filim HIT ah.

Veere Di Wedding wuxuu si rasmi ah u noqon doonaa filim atirisho hogaamiye ka tahay midkiisa sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo kaliya Tanu Weds Manu Returns iyo Raazi ayaa ka ganacsi badnaan doonaan.

Veere Di Wedding waxaa tikit u goosan doonaan 6-milyan oo qof marka uu tiyaatarada ka dago taasina waxay ka dhigi doontaa inuusan ka mid noqon doonin 5-filim ee atirisho hogaamiye ka tahay kuwooda loogu daawasho badan yahay sababtana waxay tahay in filimka Veere Di Wedding fariintiisa xadidneyd oo markii hore la siiyay shahaadada loo yaqaan A Certificate oo ah in dadka da’dooda 18-sano ka weyn tahay kaliya daawan karaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Veere Di Wedding iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 4-maalmood ah:

Todobaadka kowaad – 54.46 Crore (Rasmi)

Jimco labaad – 2.75 Crore

Sabti labaad – 4.25 Crore

Axad labaad – 4.50 Crore

Isniin labaad – 1.75 Crore

Todobaadka labaad – 13.25 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 67.71 Crore (Trade Figure)

One Response to Rasmi: Filimka Veere Di Wedding Iyo Insiintiisa Labaad Ganacsiga Uu Sameeyay

  1. Ayaan muuse

    June 12, 2018 at 7:19 pm

    guul baan urajeenaya kooxdan lkn kooxda filmka iska leh lacag intaa kabadan baan ku arkaayey