Rasmi: Filimka Veere Di Wedding iyo Talaadadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Kareena Kapoor Khan iyo Sonam Kapoor filimkooda Veere Di Wedding ayaa iska wato sameynta ganacsi wacan wuxuuna keenay 1.50 Crore Talaadadiisa labaad taasi oo ka dhigtay mudo 12-maalmood inuu soo xareeyay 69 Crore (Trade Figure).

Sida muuqato filimka Veere Di Wedding mudo labo todobaad marka uu dhameesto wuxuu keeni doonaa 72 Crore asigoo ka lacag badnaan doono filimada atirishooyinka hogaamiye ka yihiin Neerja, Pink iyo Dear Zindagi cimri ahaantooda lacagaha ay soo xareeyeen.

Filimka Veere Di Wedding wuxuu Waqooyiga Hindiya ku garaacay filimka Padman ee Akshay Kumar sameeyay ganacsi ahaan sidoo kalena Ajay filimkiisa Raid isagana waa la dhaafi doonaa taasi oo ka dhigan in filimkan Delhi / UP iyo East Punjab si adag uu kaga gadmaayo.

Filimka Veere Di Wedding ganacsigiisa waxaa caqabad ku noqon doono Race 3 oo jimcadaan tiyaatarada la wareegayo balse filimkan hadafkiisa wuu gaaray marba haddii uu HIT dhameestiran uu noqday.

Fadlan hoos kaga bogo Veere Di Wedding mudo 12-maalmood ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 54.46 Crore (Rasmi)

Jimco labaad – 2.75 Crore

Sabti labaad – 4.25 Crore

Axad labaad – 4.50 Crore

Isniin labaad – 1.75 Crore

Talaado labaad – 1.50 Crore

Todobaadka labaad – 14.85 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 69.31 Crore (Trade Figure)

1 Comment

Comments are closed.