Inaba caadi ma ahan sida WAR isku celiyay isniintiisa kowaad sidii laga filanaayey si ka fiican ayuu isku celiyay waxuuna keenay 20.50 Crore ( Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday.

Balse BOI waxay sheegtay inuu isniintii ku bad baaday meelo qaar oo fasaxyo yar yar kajireen waxayna sheegtay in tirada dadka daawadeen jimcihii iyo isniintii inee jimcihii badnaayeen mana ahan wax lala yaabaayo ileen Isniin shaqo ayaa jirtay inkasto jimco xitaa maalin shaqo ahed hadana tiyaatarada waa uu kucusbaa.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 179 Crore waana mudo 6 maalmood ah maanta oo maalintiisa 7-aad ah waxaa laga filaa 20 Croee si 200 Crore uu todobaadkiisa kowaad u gaaro. Waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo ee Hrithik Roshan sameeyay maadama laga taqlusay Krrish 3 oo horey u ahaa aflaamta HR midka lacagaha ugu badan soo xareeyo kaaso heestay 175 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 6 maalmood ah ganacsiga WAR uu ku sameeyay:

Arbaco: 51.50 Crore

Khamiis: 22.50 Crore

Jimco: 21 Crore

Sabti: 27.50 Crore

Axad: 36 Crore

Isniin: 20.50 Crore

Wadarta Guud: 179 Crore (Trade Figure).

Dhanka kale Joker oo ah Hollywood Movie ayaa asna shalay ka faaideystay magaalooyinka qaar fasaxa kajireen waxuuna keenay 4.25 Crore wadarta guudna hader waxuu marayaa 27 Crore waana mudo 6 maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here