Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa ganacsi adag sameeyay Arbacadiisa labaad wuxuuna keenay 11 Crore ($1.54m) waxayna ka dhigan tahay filimkan inuu hirgalay sidoo kalena ganacsigiisa ilaa 25-ka bishan October sii socon doono madaama xiligaas tiyaatarada filimka Housefull 4 loo baneen doono.

Filimka War mudo 8-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 217.50 Crore ($30.61m) waxaana muuqato maanta oo Khamiis ah ganacsiga uu sameeyo marka loogu daro filimkan 227 Crore gaari doono waxayna ka dhigan tahay markaas inuu soo qaban doono filimka Kabir Singh oo 276 Crore keenay haatana ah mashruuca lacagaha ugu badan soo xareeyay 2019 oo ay Bollywood-ka sameeyeen.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 8-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay filimka War soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Arbaco – 51.50 Crore

Khamiis – 22.50 Crore

Jimco – 21 Crore

Sabti – 27.50 Crore

Axad – 36 Crore

Isniin – 20.50 Crore

Talaado – 27.50 Crore

Arbaco labaad – 11 Crore

Wadarta Guud – 217.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here