Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War waxaa u suura gashay inuu ganacsi ahaan is celiyo Arbacadiisa labaad wuxuuna keenay 3.35 Crore sida shabakada Boxoffice India (BOI) ay soo daabacday taasi oo ka dhigan in filimkan todobaadkiisa labaad mudo 6-maalmood ah inuu soo xareeyay 42.50 Crore wuxuuna keeni doonaa 46 Crore todobaadkiisa labaad asigoo noqonaayo sanadkan 2019 filimka afaraad lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa labaad kaliya Kabir Singh, Uri iyo Mission Mangal ayaa ka lacag badan.

Filimka War haatan mudo 15-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 269.20 Crore (Trade Figure) waxaana isha lagu heyn doonaa sida uu darajada 300 Crore ku gaari karo iyo haddii uu ka gaabin karo waxaana xukmin doonto todobaadkiisa afaraad ganacsiga uu sameeyo waayo 25-ka bishan waxaa tiyaatarada la wareegi doono filimka Housefull 4 sidaa darteed War mudo 8-maalmood ayuu heestaa si uu ganacsigiisa sare ugu sii qaado.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 15-maalmood ah iyo filimka War lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 226.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Jimco labaad – 7 Crore

Sabti labaad – 11 Crore

Axad labaad – 13 Crore

Isniin labaad – 4.35 Crore

Talaado labaad – 3.85 Crore

Arbaco labaad – 3.35 Crore

Todobaadka labaad – 42.55 Crore (mudo 6-maalmood ah)

Wadarta Guud – 269.20 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here