Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 4.35 Crore ($610k) asigoo sameeyay 35% ilaa 40% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo ganacsigii uu sameeyay Jimcadiisa labaad. Filimka War haatan wuxuu soo xareeyay 35 Crore mudo afar maalmood ah todobaadkiisa labaad waxayna ka dhigan tahay todobaadkiisa labaad inuu keeni doono 47 Crore ilaa 48 Crore waana ganacsi heer sare ah.

Filimka War mudo 13-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 261.85 Crore ($36.72m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday sidoo kalena mashruucan wax loolan ah lama kulmi doono todobaadkiisa sedexaad taasi oo ka dhigan inaan meesha laga saari karin darajada 300 Crore inuu gaaro sidoo kalena hubanti ahaan mashruuca lacagaha ugu badan soo xareeyay 2019 wuu noqonaa asigoo dhaafi doono Kabir Singh oo 276 Crore keenay laakiin shaki ayaa ku jiro tirada tikit u goosatay filimka Kabir Singh oo 25-milyan qof sare u dhaafayaan in War gaaro ama soo qabto.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War iyo lacagaha uu soo xareeyay mudo 13-maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 226.60 Crore (rasmi mudo 9-maalmood ah)

Jimco labaad – 7 Crore

Sabti labaad – 11 Crore

Axad labaad – 13 Crore

Isniin labaad – 4.35 Crore

Todobaadka labaad – 35.35 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 261.85 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here