Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa si wanaagsan isku celiyay Jimcadiisa kowaad madaama 7% hoos u dhac kaliya uu sameeyay marka lala bar bar dhigo Khamiistii ganacsiga uu sameeyay wuxuuna filimkan keenay shalay oo Jimco ahayd 21 Crore ($2.96m) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Filimka War mudo sedex maalmood ah wuxuu soo xareeyay 95 Crore ($13.41m) lacagta nadiifka ah canshuurta kadib waana ganacsi heer sare ah waxayna ka dhigan tahay Sabti iyo Axad labada maalmood reer magaalka firaaqo heestaan in filimkan ganacsigiisa cirka sii gali doono.

Si sahlan War wuxuu ku noqday Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda lacagaha ugu badan soo xareeyo sedexda maalmood ugu horeyso sidoo kalena iskooro badan oo dheeraad ahna wuu sameyn doonaa mashruucan Action-ka ah oo daawadayaasha ka heleen kana gudbay tijaabadii Khamiistii iyo Jimcadii hortiilay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War iyo lacagaha uu soo xareeyay mudo sedex maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Arbaco – 51.50 Crore

Khamiis – 22.50 Crore

Jimco – 21 Crore

Wadarta Guud – 95 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here