Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War waxaa u suura gashay Jimcadiisa sedexaad inuu keeno 2.75 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay 15% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Khamiistiisii labaad ganacsiga uu sameeyay wuxuuna noqday filimkan midka ugu ganacsiga badan dhamaan aflaanta masraxa saaran shalay oo Jimco ahayd la daawaday.

Madaama aflaanta masraxa ku cusub dhamaantooda yihiin kuwo aan wax saameyn ah laheyn War wuxuu heestaa fursad uu Sabti iyo Axad ganacsigiisa ku laba jibaari karo halka maal maha shaqada Isniin ilaa Khamiisna uu is celin karo wixii markaas ka dambeeyana waxaa tiyaatarada la wareegi doono filimka Housefull 4 oo Jimcada nagu soo fool leh soo bixi doono.

Filimka War mudo 17-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 275.25 Crore (Trade Figure) qaybta Af Hindiga lagu daawanayo oo kaliya wuxuuna maanta oo Sabti ah ganacsiga uu sameeyo ka caawin doontaa si rasmi ah inuu noqdo mashruuca 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyay asigoo ka talaabi doono Kabir Singh oo horey usoo xareeyay 276 Crore laakiin War uma suura gali doonto inuu dhanka tikit-ka loogu iibsashada badan yahay darajadaas kala wareego filimka Kabir Singh.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War iyo mudo 17-maalmood ah ganacsiga nadiifka ah uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 226.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 46 Crore

Jimco sedexaad – 2.75 Crore

Wadarta Guud – 275.25 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here