Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa ganacsi weyn sameeyay Axadiisa labaad wuxuuna keenay 13 Crore taasi oo ka dhigan todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso inuu filimkan keenay 31 Crore (Trade Figure) waxaana xusid mudan sanadkan 2019 kaliya afar filim inay u suura gashay inay 30 Crore ka talaabay todobaadkooda labaad sedexda maalmood ugu horeyso.

Sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday filimka War mudo 12-maalmood ah wuxuu haatan kusoo xareeyay 257.50 Crore (Trade Figure) waana hubanti inuu ka talaabi doono Kabir Singh oo soo xareeyay 276 Crore sidoo kalena ahna sanadkan filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sidoo kalena meesha lagama saari karo War inuu darajada 300 Crore gaaro inkastoo midaas ku xiran tahay sida uu todobaadkiisa sedexaad u gadmo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War iyo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 226.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Jimco labaad – 7 Crore

Sabti labaad – 11 Crore

Axad labaad – 13 Crore

Todobaadka labaad – 31 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 257.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here