Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War labon arin ayuu u dagaalamayaa madaama uu Blockbuster mashruucan noqday waxayna tahay 300 Crore nadiif ah soo xareeyo qaybta Af Hindiga lagu daawanayo oo kaliya iyo 100 Crore inuu suuqyada caalamka ka keeno.

Marka la eego labadaas darajo gaaristooda waxaa u sahlan inuu 100 Crore suuqyada caalamka ka keeno madaama ganacsigiisa gudaha Hindiya qaybta Af Hindiga caqabado xoogan haatan la kulmaayo waayo 291 Crore (Trade Figure) ayuu maraa waxaana masraxa kala wareegay filimka Housefull 4.

Filimka War suuqyada caalamka mudo sedex todobaad ah wuxuu kasoo xareeyay $13.27m oo u dhiganto 94.01 Crore wuxuuna u halgamaa sidii uu 100 Crore suuqyada caalamka kaga keeni lahaa waana yool uu gaari karo haddii uu ganacsigiisa wacan sii wato.

Fadlan hoos kaga bogo suuqyada ugu muhimsan filimka War lacagaha uu kasoo xareeyay mudo sedex todobaad ah:

USA/Canada Boxoffice – $4.48m

UAE/Gulf – $4.70m

UK Boxoffice – $878k

Dunida inteeda kale – $3.21m

Wadarta Guud – $13.27m (94.01 Crore)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here