
Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday filimka War mudo 9-maalmood ah ama todobaadkiisa kowaad oo fidsan inuu keenay 226 Crore ($31.82m) waana ganacsi heer sare ah asigoo siweyn kaga faa’iideestay fasixii weynaa iyo feestooyinkii yar yaraa ee uu halay todobaadkiisa kowaad.
Waa qasab haddii Jimcadiisa labaad ganacsi ahaan si adag isku celiyo filimka War inuu Super Hit noqonaayo kadibna wuxuu u dalaci karaa Blockbuster inuu noqdo ama HIT-ka ugu weyn 2019 madaama uu soo qaban karo Kabir Singh oo 276 Crore soo xareeyay sidoo kalena ahna sanadkan filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay oo ay Bollywood-ka sameeyeen.
Fadlan hoos kaga bogo todobaadka kowaad ee fidsan ama mudo 9-maalmood ah ah filimka War lacagaha uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):
Arbaco – 51.50 Crore
Khamiis – 22.50 Crore
Jimco – 21 Crore
Sabti – 27.50 Crore
Axad – 36 Crore
Isniin – 20.50 Crore
Talaado – 27.50 Crore
Arbaco labaad – 11 Crore
Khamiis labaad – 9 Crore
Wadarta Guud – 226.50 Crore (Trade Figure)