Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War waxaa u suura gashay ganacsi adag inuu sameeyo todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 46 Crore (Trade Figure) asigoo noqday filimka 4-aad ee lacagaha ugu badan todobaadkiisa labaad keeno 2019 waxaana ka badan filimada  Kabir Singh (78.18 cr), Uri – The Surgical Strike (62.76 crore) iyo Mission Mangal (47.19 crore).

Sidoo kale War todobaadkiisa labaad ganacsiga heerka sare uu sameeyay waxay ka caawisay inuu qayb ka noqdo 20-ka filim ee taariikh ahaan todobaadkooda labaad lacagaha ugu badan soo xareeyaan sidoo kalena dhamaan aflaanta Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff u sameeyeen todobaadkooda labaad waxaa ka ganacsi badan filimka War.

Filimka War mudo labo todobaad ah wuxuu soo xareeyay 272.50 Crore (Trade Figure) waa qaybta Af Hindiga lagu daawanayo oo kaliya waxaa u dheer 11 Crore ilaa 12 Crore oo Af Tamil iyo Telugu uu kusoo xareeyay haddii loogu daro waxay ka dhigan tahay in ganacsigiisa 283 Crore ilaa 284 Crore u dhaxeeyo lacagaha nadiifka ah dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo.

Filimka War waa qasab inuu dhaafo Kabir Singh oo 276 Crore soo xareeyay cimri ahaantiisa ahna filimka 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyay weliba War sedexda maalmood nagu soo fool leh ayuu si rasmi ah darajadan kala wareegi doonaa Kabir Singh wuxuuna heestaa fursad wacan oo uu War hal todobaad kale ganacsi heer sare ah ku sameyn karo madaama Jimcada dambe (25 October) tiyaatarada la wareegi doono filimka Housefull 4.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War mudo labo todobaad ah ganacsiga uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 226.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 46 Crore

Wadarta Guud – 272.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here