Filimka War ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay Talaadadiisa labaad wuxuuna keenay 3.85 Crore sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday wuxuuna haatan soo xareeyay 265.70 Crore (Trade Figure) mudo 14-maalmood ah waana ganacsi aad u weyn.

Filimk War todobaadkiisa labaad shanta maalmood ugu horeyso ilaa haatan wuxuu keenay 39 Crore wuxuuna ku socdaa sida guud todobaadkiisa labad inuu keeno 46 Crore asigoo noqon doono filimka 4-aad ee lacagaha ugu badan todobaadkiisa labaad keeno sanadkan 2019 kaliya waxaa ka lacag badnaan doonaan filimada Kabir Singh, Uri iyo Mission Mangal.

Waxaa xusid mudan filimka War inuu Mumbai ka keenay ilaa iminka 70 Crore, halka Delhi/UP uu kasoo xareeyay 57 Crore sidoo kalena filimka Kabir Singh haddii aan la bar bar dhigno wuxuu Mumbai ka keenay 87 Crore halka Delhi/UP uu kasoo xareeyay 66 Crore. Laakiin War waxaa siweyn lagu gaari karin Bariga & Koonfurta Hindiya ganacsiga waalid ah uu ka sameenayo weliba si gaar ah Bengal iyo Nizam ganacsiga uu ka sameeyay labo laab ayuu Kabir Singh dheer yahay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War iyo mudo 14-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 226.50 Crore (mudo 9-maalmood ah)

Jimco labaad – 7 Crore

Sabti labaad – 11 Crore

Axad labaad – 13 Crore

Isniin – 4.35 Crore

Talaado – 3.85 Crore

Todobaadka labaad – 39 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 265.70 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here