Filimka weyn War oo ay hogaamiyaal ka yihiin Hrithik Roshan ayaa maalintiis labaad sameeyay ganacsi adag wuxuuna keenay 22.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxayna ka dhigan tahay mudo labo maalmood ah inuu filimkan keenay 74 Crore (Trade Figure) waana ganacsi heer sare ah.

Filimka War ayaa sameeyay 55% hoos u dhac maalintiisa labaad waana arin la aqbali karo madaama shalay maalin shaqo ahayd sidoo kalena maalintiisii kowaad si waali ah 51.50 Crore ku keenay waxaana la hubaa laga bilaabo Jimco ilaa Sabti inuu ganacsigiisa sii karaar qaadan doono.

Filimka War labo maalmood inuu 74 Crore ku keenay waxay ka dhigan tahay in markii ugu horeesay Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimadooda mudo labo maalmood lacagtaan waalida ah kusoo xareeyaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka War iyo mudo labo maalmood ah lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Arbaco- 51.50 Crore

Khamiis- 22.50 Crore

Wadarta Guud – 74 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here