Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa iskoor aan midka Bahubali 2 ahayn ka dhigay gobolka West Bengal kadib markii 22 Crore uu suuqaas ka keenay mudo 15-maalmood ah waxaana xusid mudan in todobaadkiisii kowaad 17 Crore halkaas ka keenay asigoo ka faa’iideestay fasaxyadii gobolkaas ka jireen.

Waxaa waali lagu tilmaamay in filimka War tiyaatarada nooca Multiplex ah oo ku yaalo magaalada Kolkata inuu maalin walbo cel celis ahaan halkaas kasoo xareeyo 40 Lakh waana arin aan horey Kolkata kaga dhicin in filimkan sidaan iskoor waali ah magaaladan xarunta u ah West Bengal ka sameeyo.

War ma gaari doono iskoorka Bahubali 2 ka dhigay West Bengal kaasi oo kasoo xareeyay 26.57 Crore sanadii 2017 balse filimka War 25 Crore ayuu suuqaan muhiimka ah ka keeni doonaa sidoo kalena taariikhda wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee Bollywood ah kaasi oo 20 Crore West Bengal ka keeno sidoo kale War labo laab ayuu suuqan kaga lacag badiyay filimka Kabir Singh oo ahaa sanadkan 2019 filimka lacagaha ugu badan West Bengal ka keenay soona xareeyay 13.38 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan kasoo xareeyeen gobolka West Bengal ee xarunta u tahay Kolkata:

1. Bahubali – The Conclusion – 26.57 Crore

2. War – 22 Crore (15 maalmood)

3. Tiger Zinda Hai – 18.69 Crore

4. Padmaavat – 18.05 Crore

5. PK – 17.30 Crore

6. Dangal – 17.4 Crore

7. Bajrangi Bhaijaan – 17.13 Crore

8. Sanju – 16.83 Crore

9. Sultan – 15.43 Crore

10. Kabir Singh – 13.38 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here