Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa ku dhawaaqday in War uu noqday filimka 5-aad ee todobaadkiisa kowaad darajada 200 Crore ku gaaro waxayna kala yihiin Sultan, Bahubali – The Conclusion, Tiger Zinda Hai iyo Sanju. Bahubali 2 qaanad gaar ah ayuu ku jiraa waayo iskoorkii filimka Sultan dhigay farqi aad u weyn ayuu kaga talaabay. Sidoo kalena Bahubali 2 iyo Sanju waa labada filim ee fasax la’aan todobaadkooda kowaad darajadan ku gaareen.

Ka hor inta aysan filimka War la imaanin Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimadooda darajo ahaan uma suura galin 125 Crore inay dhaafaan todobaadka kowaad sidaa darteed labadan atoore guul weyn ayay u tahay sameynta filimka War.

Salman Khan ayaa hogaaminayo liiskan madaama 7-filim uu ku leeyahay 15-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen todobaadkooda kowaad weliba labo filim oo ka mid ah Sallu sameeyay darajada 200 Crore ayay todobaadka kowaad ku gaareen.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee Todobaadkooda kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali – The Conclusion – 246.47 Crore

2. Sultan – 208.99 Crore

3. War – 206.50 Crore

4. Tiger Zinda Hai – 206.04 Crore

5. Sanju – 2,00.16 Crore

6. Dangal – 192.38 Crore 

7. Bajrangi Bhaijaan – 182.52 Crore

8. PK – 181.26 Crore

9. Dhoom 3 – 173.12 Crore

10. Prem Ratan Dhan payo – 157.60 Crore

11. Bharat – 156.71 Crore

12. Kick – 155.31 Crore

13. Padmaavat – 142.25 Crore

14. Race 3 – 139.97 Crore

15. Chennai Express – 139.70 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here