Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa wacdaro weyn dhigay shalay oo Talaado ahayd kadib markii uu soo xareeyay 27.50 Crore ($3.86m) wuxuuna sameeyay sare u kac 35% marka lala bar bar dhigo Isniintiisii kowaad lacagaha uu keenay wuxuuna shalay siweyn kaga faa’iideestay fasixii feestada Dusshera ee Hindiya ka jiray.

Filimka War wuxuu noqday sanadkan 2019 filimka Talaadadiisa kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyo sidoo kalena todobaadkiisa kowaad wuxuu keenay 206.50 Crore ($29.03m) wuxuuna nqoday filimka 3-aad ee taariikh ahaan todobaadkiisa kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyo kaliya Bahubali 2 iyo Sultan ayaa ka badan sidoo kalena waa filimka afaraad ee hal todobaad 200 Crore ku gaaray waxaana markaas liiskan kusoo darsoomayo filimka Sanju.

War sidoo kale wuxuu noqday Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda ugu horeeyay ee darajada 200 Crore gaaro sidoo kalena sanadkan 2019 wuxuu noqday filimka 3-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo kaliya Kabir Singh iyo Uri ayaa ka lacag badan una badi inuu noqon doono 2019 filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 7-maalmood ah filimka War ganacsiga xad dhaafka ah uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Arbaco – 51.50 Crore

Khamiis – 22.50 Crore

Jimco – 21 Crore

Sabti – 27.50 Crore

Axad – 36 Crore

Isniin – 20.50 Crore

Talaado – 27.50 Crore

Todobaadka kowaad – 206.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here