Sanadkii hore filim soo saare Sajid Nadiadwala wuxuu shaaca ka qaaday in Tiger Shroff doorkiisa hirgalay Ronnie amaba qaadi doono micnaha in Baaghi 3 la sameenayo sidoo kalena waxaa mashruucan lagu soo daray Shraddha Kapoor oo horey Baaghi qaybtiisa kowaad u sameesay laakiin hadal heynta mashruucan waxay cirka sii gashay markii la xaqiijiyay in jilaaga la wada jecel yahay Riteish Deshmukh isagana door adag ku leeyahay filimkan weyn.

Filimka Baaghi 3 maanta ayay si rasmi ah duubistiisa u bilaaban doontaa waxaana la ogaaday in Riteish Deshmukh filimkan ku jilaayo Tiger Shroff walaalkiis ka weyn. Waxaana la xaqiijiyay in maanta duubista Baaghi 2 ka bilaaban doonto magaalada Mumbai waa jadwal 7-maalmood ah oo maanta duubista muuqaalo muran iyo dood ah la duubayo kadibna laga bilaabo berito jadwal Action xasaasi ah ayaa la guda gali doonaa.

Jadwalka ugu muhiimsan Baaghi 3 waxaa lagu duubi doonaa Serbia iyo Georgia bisha October ee nagu soo fool leh ayadoo Action-mo caalami ah lagu soo duubi doono weliba Tiger waxaa la sheegay mudo sedex bilood ah inuu tababar gaar ah ku guda jiray oo ku aadan doorkiisa Baaghi 3.

Filimka weyn Baaghi 3 waxaa Director ka ah Ahmed Khan oo qaybtii labaad sameeyay waxaana la daawan doonaa 6 Maarso 2020 waana mid ka mid ah filimada ugu waa weyn ee 2020 ama sanadka dambe sida weyn loo sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here