Mega Star Chiranjeevi fiimkiisa weyn Syeraa Narasimha Reddy ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay maalintiisa kowaad dibad iyo dal wuxuuna soo xareeyay 81.40 Crore sida shabakada Andhra Boxoffice (ABO) shaaca ka qaaday. Sidoo kalena kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 51.88 Crore saamigiisa dibad iyo dal la isku daray.

Filimka Sye Raa suuq walbo lacagaha uu ka keenay maalinta kowaad fadlan hoos kaga bogo waxaana filimkan tiyaararada la saaray 2 October 2019 waana tanaa xogtiisa suuq walbo oo la saxay lana fariisiyay oo aan shabakada ABO kasoo xiganay:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam lacagta uu ka keenay 52.60 Crore (canshuurta ka hor), 47.30 Crore (canshuurta kadib), saamiga laga helay 37.28 Crore.

Gobolka Karnataka lacagta uu ka keenay 10.50 Crore (canshuurta ka hor), 9 Crore (canshuurta kadib), saamiga laga helay 6.39 Crore.

Gobolka Tamilnadu lacagta uu ka keenay 1.30 Crore (canshuurta ka hor), 1.10 Crore (canshuurta kadib), saamiga laga helay 0.60 Crore.

Gobolka Kerala lacagta uu ka keenay 0.50 Crore (canshuurta ka hor), 0.40 Crore (canshuurta kadib), saamiga laga helay 0.20 Crore.

Qaybta Af Hindiga + Hindiya inteeda kale lacagta uu ka keenay 3.10 Crore (canshuurta ka hor), 2.80 Crore (canshuurta kadib), saamiga laga helay 1.21 Crore.

Wadarta Guud Gudaha lacagta uu ka keenay 68 Crore (canshuurta ka hor), 60.60 Crore (canshuurta kadib), saamiga laga helay 45.68 Crore.

USA/Canada lacagta uu ka keenay 8.40 Crore (canshuurta ka hor), saamiga laga helay 4.20 Crore.

Dunida inteeda kale lacagta uu ka keenay 5 Crore (canshuurta ka hor), saamiga laga helay 2 Crore.

Wadarta Guud Dibad & Dal lacagta uu ka keenay 81.40 Crore (canshuurta ka hor), saamiga laga helay 51.88 Crore.

Filimka Sye Ra iyo iskoorada uu soo kordhiyay maalintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay:

Wuxuu noqday filimka labaad ee lacagaha ugu badan maalinta kowaad dhul weynah Telugu kasoo xareeyo kaliya Bahubali 2 ayaa ka bilaabasho wanaagsan.

Wuxuu noqday filimka sedexaad ee Tollywood ah kaasi oo lacagaha ugu badan soo xareeyo ganacsiga dibad iyo dal maalinta kowaad halka uu noqday filimka shanaad ee Koonfur Hindiya ah kaasi oo lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareeyo dibad & dal.

Wuxuu iskoor bilaabasho taariikhi ah ka sameeyay magaalooyinka Vizam iyo Krishna oo dhul weynaha Telugu ka tirsan halka uu kaalinta labaad ka galay bilaabashada maalinta kowaad magaalooyinka East, West iyo Guntur oo dhamaantood Telugu ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here