Ugu dambeyntii filimka weyn ee Hollywood-ka ah Wonder Woman 1984 in gudaha Hindiya laga daawan doono bishan December gudaheeda sida ay shaaca ka qaadeen kooxda iska mashruucan waxaana lagu kalsoon yahay in daawadayaasha filim dib tiyaatarada ugu soo celin doono.

Filimka Wonder Woman 1984 oo ay hogaamiye ka tahay gabadha lagu magacaabo Gal Gadot ayaa la xaqiijiyay in tiyaatarada Hindiya la saari doono Khamiis 24 December 2020 waxaana lagu daawan doonaa luqadaha English, Hindi, Tamil iyo Telugu sidoo kalena tiyaatarada Multiplex iyo Single Screens labaduba waa laga daawan doonaa todobaadka feestada ciida masiixiga.

Sidoo kale Director Patty Jenkins wuxuu xaqiijiyay in filimka Wonder Woman 1984 gudaha USA Boxoffice iyo Cannada laga daawan doono 25-ka bishan December waxaana lagu kalsoon yahay filimkan bilaabasho heer ah inuu sameyn doono sidoo kalena ganacsiga Hollywood-ka ee sanadkan karoonaha ka adkaaday dib usoo celin doono.

Mashruucan $200m miisaaniyad ah xambaarsan waxaa marka kowaad 16-ka bishan December laga daawan doonaa gudaha UK taasi oo ka dhigan in marka kowaad dhul weynaha UK laga daawan doono filimkan kadibna USA, Hindiya iyo dhamaan daafaha caalamka todobaadka feestada Christmass-ka laga daawan doono. Fadlan hoos ka daawo goos gooska xiisaha badan ee filimka Wonder Woman 1984 mar dhexdaas ah laga soo bandhigay:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here