Vijat Deverekonda filimkiisa Wordl Famous Lover ayaa ganacsi gaabis ah sameeyay maalintiisa kowaad madaama uu ka gaabiyay gudaha Hindiya 10 Crore ganacsi ah inuu ka sameeyo sidoo kalena suuqyada caalamka lagama soo dhaweynin filimkan.

Filimka World Famous Lover maalintiisa kowaad wuxuu keenay 7.10 Crore ($992k) waa lacagta nadiifka ah canshuurta kadib dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawaday haddii lacagtaan la kala qaado 6.50 Crore dhul weynaha Telugu ayuu ka keenay halka 50 Lakh uu Tamil ka keenay sidoo kalena 10 Lakh wuxuu ka keenay Malayalam ama gobolka Kerala.

Filimka World Famous Lover canshuurta ka hor wuxuu gudaha Hindiya ka keenay 8.30 Crore ($1.16m) sidoo kalena suuqyada caalamka wuxuu ka keenay 2 Crore ($279k) waana ganacsi aad u liito wuxuuna wadarta guud keenay ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray filimkan keenay 9.50 Crore ($1.32m).

Filimka World Famous Lover ganacsigiisa ugu wanaagsan magaalooyinka waa weyn ayuu ka sameeyay mashruucan waana sababta keentay ganacsigiisa inuu gaabis muujiyay sidoo kalena xalay gelinkii dambe filimkan hoos u dhac weyn ayu sameeyay waxaana laga cabsi qabaa inuu hoos usii dhaco marba haddii maalintii jaceylka aduunka shalay fasixii jiray siweyn kaga faa’iideesan waayay filimkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here