Ugu dambeyntii filimka Telugu ama Tollywood ah ee lagu magacaabo World Famous Lover masraxa wuu isaga dagay waxaana filimkan daawashadiisa lagu beegay 14-kii Febraayo 2020 ama maalintii jaceylka aduunka balse Vijay Deverakonda mashruucan jab taariikhi ah ayaa ka raacay.

Filimka World Famous Lover waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Vijay Deverakonda iyo afar atirisho kuwaas kala ah Raashi Khanna, Aishwarya Rajesh, Catherine Tresa iyo Izabelle Leite halka Kranthi Madhav uu Director ka ahaa sidoo kalena K. A. Vallabha ayaa filimkan maal galiyay.

Sida rasmiga ah filimka World Famous Lover wuxuu cimri ahaantiisa soo xareeyay 16.95 Crore waa ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waxayna saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen 9.17 Crore ayagoo kala kulmeen qasaaro taariikhi ah madaama ay ku iibsadeen 29 Crore sidaa darteed Vijay Deverakonda filimkiisa Triple Disaster ayaa lagu tilmaamay ama mid sedex jeer bur buray!

Filimka World Famous Lover iyo suuq walbo ganacsiga uu kasoo xareeyay fadlan hoos kaga bogo ayadoo qolyaha cajaladaha qeybiyaan dhawaan weydiisteen kooxda filimkan iska leh lacagta inay wax u ceymiyaan madaama 20 Crore qasaaro ah la kulmeen:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 12.40 Crore, saamiga laga helay 7.34 Crore.

Hindiya inteeda kale wuxuu ka keenay 2.60 Crore, saamiga laga helay 0.90 Crore.

Suqyada caalamka wuxuu ka keenay 1.95 Crore, saamiga laga helay 0.93 Crore.

Wadarta guud ganacsigiida dibad & dal 16.95 Crore, saamiga guud laga helay 9.17 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here