Home » Baaghi 2 » Rasmi: Filmka Baaghi 2 Iyo Sabtidiisa Sedexaad Ganacsiga Uu Box-office-ka Ka Sameyay!!

Rasmi: Filmka Baaghi 2 Iyo Sabtidiisa Sedexaad Ganacsiga Uu Box-office-ka Ka Sameyay!!

Baaghi 2 ayaa shalay oo sabti ahed misane sabtidiisa sedexaad u ahed ayaa keenay 2.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday.

Baaghi 2 oo ah film Blockbuster ah maanta oo axad ah ayuu ka talaabsan doona darajada 150 Crore midaasna wey muuqata maadama wadarta guud uu marayo hader 147 Crore.

Baaghi 2 50% sare ukac ah ayuu sameyay waana arin muujineysa in filmkaan meel weyn hiigsan doono wana filmka labaad ee darajada 150 Crore gaari doono kaasi oo an fasaxyo waaweyn la daawan ama xili fasax jiraba sida ciidul fidriga, ciida masiixiga, maalinta xurnimada hindiya, iyo waxii lamid ah xitaa filmo waaweyn oo waqtiyadaas la saaray oo aan darajadan gaarin ayaa jiraan.

Tiger Shroff dhalinta talaabo weyn ayuu ka talaabsaday hada kadibna waxuu la tartami doono Super Star-da waaweyn maadama filmkisa 150 Crore si fudud ku gaaray isagon xili fasax ah la daawan ayadoo jilayaasha waaweyn arinkaan ay ku adagtahay iney sameyaan.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 2 iyo ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 110.81 Crore

Todobaadka labaad – 32.50 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad Р1.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad-2.25 Crore

Wadarta Guud – 147.06 Crore (Trade Figure)