
Inaba caadi ma ahan filimka Good Newwz mudo 9-maalmood ah ayuu ku noqday Superstar Akshay Kumar filimkiisa lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyo madaama mashruucan hirgalay daafaha caalamka siweyn looga daawanayo.
Filimka Good Newwz wuxuu mudo 9-maalmood ah daafaha caalamka kaga soo xareeyay $7.73m oo dhiganto 55.49 Crore wuxuuna Blockbuster weyn ka noqday Waqooyiga Ameerika asigoo halkaas kasoo xareeyay ilaa iminka $3.72m.
Filimka Good Newwz wuxuu ka talaabay Akshay mashruucii suuqyada caalamka ugu lacagta badnaa Mission Mangal kaasi oo soo xareeyay $7.32m oo u dhiganto 52.15 Crore waxayna u badan tahay filimka Good Newwz inuu noqon doono Akshay Kumar filimkiisa ugu horeeyay ee $10m suuqyada caalamka kasoo xareeyo.
Fadlan hoos kaga bogo Akshay Kumar 5-filim ee lacagaha ugu badan suuqyada caalamka kasoo xareeyeen waana aflaanta Bollywood-ka sameeyeen sidoo kalena Af Hindiga lagu daawaday:
1. Good Newwz (2019) – $7.73m (55.49 Crore) mudo 9-maalmood ah
2. Mission Mangal (2019) – $7.32m (52.15 Crore)
3. Singh Is King (2008) – $7.10m (29.99 Crore)
4. Housefull 4 (2019) – $6.80m (48.28 Crore)
5. Housefull 2 (2012) – $6.76m (35.64 Crore)