Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka Torbaaz ee uu hogaamiye ka yahay Superstar Sanjay Dutt halka Rahul Dev laadar awood badan ku jilaayo sidoo kalena filimkan waxaa door muhiim ah ku leh atirishada lagu magacaabo Nargis Fakhri iyo caruur kala duwan oo kaalintooda ka qaadan doonaan.

Torbaaz goos gooskiisa bart Netflix ku leedahay Youtube-ka ayaa lagu soo fasaxay waxaana si Online ahaan Netflix looga daawan doonaa 11 December 2020 ama 20-maalmood kadib ayaa Internet-ka lagu soo fasixi doonaa filimkan marar kala duwan daawashadiisa horey u baaqatay.

Sanjay Dutt wuxuu ku matalaa filimkan nin samafale ah oo xerooyinka qaxootiga ku yaalo dalka Afghanistan ka howl galaayo wuxuuna caruurta barakacayaasha ah baraa cayaarta Cricket-ka si hormar kaga gaaraan balse waxaa weerar kusoo qaadayo Rahul Dev oo doonayo caruurta inuu u adeegsado is qarxinta si caddowga reer galbeedka ah ee kusoo duuleen Afghanistan looga hortago.

Filimka Torbaaz waxaa Director ka ah Girish Malik waxaana laga iibiyay Netflix madaama tiyaatarada Hindiya weli 100% wada furneyn mashruucan soo daahay haatan si Online ah ayaa loo daawan doonaa. Fadlan hoos kaga bogo goos gooska saameynta badan ee filimkan laga soo bandhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here