Home » Wararka Maanta » Rasmi: Goos Goos kooban oo filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se iyo Salman oo kasoo muuqday

Rasmi: Goos Goos kooban oo filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se iyo Salman oo kasoo muuqday

Reer Deol waxay ka mid yihiin qoysaska loogu jecel yahay Bollywood-ka markaana waxay la imaadeen filimkooda sida weyn loo wada sugaayo Yamla Pagla Deewana Phir Se goos gooskiisa kooban (Teaser).

Dharmendra, Sunny Deol, Bobby Deol waa markii sedexaad oo ay taxanaha YPD kasoo muuqanayaan midkii hore oo sanadii 2011 la daawaday HIT weyn ayuu noqday balse qaybtii labaad oo 2013 soo baxay ayaa Flop ka noqday haatana qaybta sedexaad ayay la imaadeen.

Goos gooska kooban YPD Phir Se wuxuu soconayaa 1-daqiiqo iyo 57-ilbiriqsi waxaana muuqaalka doorarka cod ahaan taxliilinaayo Mega Star Salman Khan.

Salman Khan intaas kagama harin filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se wuuba kasoo muuqday goos gooska asigoo wato door cusub oo ah Mastana!

Sidaa darteed Dharam oo Yamla ah, Sunny oo Pagla ah, Bobby oo Deewana ah markaana Salman oo Mastana ah ayaa kusoo biiray taasi oo hadal heynta filimkan cirka sii galin doonto.

Sidoo kale Salman Khan filimkan Yamla Pagla Deewana Phir Se hees ku jirto ayuu sedexda Deol kala soo muuqan doonaa waxaa intaas u dheer hees jaceyl in Salman iyo Iulia Vantur isla qaadayaan cod ahaan muuqaalkeeda Bobby Deol iyo Kriti Kharbanda atirishada filimkan lagu duubayo laguna soo dari doono.

Filimka YPD Phir Se waxaa la daawan doonaa 15 Aug 2018 maalinta xurnimada Hindiya waxayna isku dhici doonaan filimka Gold ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban (Teaser) ee filimka YPD Phir Se laga soo bandhigay oo siweyn loo hadal haayo:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *