Rasmi: Goos gooska filimka Batti Gul Meter Chalu oo lasoo bandhigay Shahid caadi ma ahan (+Video)

Shirkada T-Series ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay goos gooska filimka Batti Gul Meter Chalu oo ay hogaamiyaal ka yihiin Shahid Kapoor, Shraddha Kapoor iyo Yami Gautam.

Batti Gul Meter Chalu wax walbo waa isugu dheeli tiran yihiin fariin waaqici ah, jaceyl, shactiro iyo heeso wacan taasi oo ka dhigi karto mashruucaan 21 Sep 2018 la daawanayo inuu guul weyn gaaro.

Batti Gul Meter Chalu waxaa Director ka ah Shree Narayan Singh oo horey u sameeyay filimkii hirgalay sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan Toilet Ek Prem Katha ee Akshay Kumar hogaamiye ka ahaa.

Batti Gul Meter Chalu waa filim fariin waaqici ah xambaarsan kana hadlaayo dadka Hindiga ah ee nolosha dabaqada hoose ku nool dhibaatada ay ku qabaan adeega korontada ee lacagta badan shaqsiyaadka gaarka ah kaga qaataan.

Filimkan waa mid goos gooskiisa laga dheehan si wacan la isugu dheel tiray sidoo kalena daawadayaasha soo jiidan doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Batti Gul Meter Chalu oo haatan siweyn barta Youtube-ka looga daawanayo: