Rasmi: Goos gooska filimka Class of 83 oo lasoo bandhigay Bobby Deol iyo kooxdiisa maxaa laga filanaa (+Video)

0
1808

Shirkada Red Chillies Entertainment ee SRK madax u yahay filimkooda xiga ee sida Online ka ah loo daawanayo waxaa hogaamiye ka ah Bobby Deol waxaana lagu magacaabaa Class 0f 83 ama Fasalkii sanadii 1983 waxaana Bobby kula jiraan shan dhalinyaro ah oo filimkan garab ku siineyso inuu tuugada Mumbai ka sifeeyo.

Haddaba shirkada Netflix oo iibsatay xuquuqda mashruucan sidoo kalena Online ahaan filimka Class Of 83 looga daawan doono ayaa soo bandhigtay goos gooska filimkan waxaana mudo 24-saac gudaheeda ah barta Netflix ee Youtube-ka ku leeyihiin ka daawadeen 2.5-milyan ooq qofood.

Filimka Class Of 83 Bobby Deol wuxuu ku jilaa askari mayal adag oo la dagaalamayo burcada ama tuugada Mumbai dhibaatada ku heyso waxaana garab siinayaan arday uu soo tababaraayo ayadoo hadafkooda uu yahay tuugii ay arkaan inay dilaan halkii ay sharciga horgeyn lahaayeen waana filim xiiso badan.

Marka laga soo tago Bobby Deol waxaa filimkan kula jiraan 5-dhalinyaro ah oo filim jilista ku cusub kuwaas oo lagu kala magacaabo Bhupendra Jadawat, Ninad Mahajani, Hitesh Bhojraj, Sameer Paranjape and Prithvik Pratap waxaana mashruucan Director ka ah Atul Sabharwal.

Filimka Class Of 83 waxaa barta Netflix laga daawan doonaa 21 bishan August, fadlan goos gooskiisa oo 2-daqiiqo iyo 21-ilbiriqsi soconaayo hoos ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here