Home » Wararka Maanta » Rasmi: Goos gooska filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se reer Deol qosol, qaraaxo iyo qiiro ayay la imaadeen (+Video)

Rasmi: Goos gooska filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se reer Deol qosol, qaraaxo iyo qiiro ayay la imaadeen (+Video)

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka weyn ee la wada sugaayay Yamla Pagla Deewana Phir Se oo ay hogaamiyaal ka yihiin Dharmendra, Sunny Deol, Bobby Deol iyo Kriti Kharbanda.

Inaba caadi ma ahan goos gooska reer Deol filimkooda YPD Phir Se ay kasoo bandhigeen waana mid qosol, qaraaxo iyo qiiro leh waxaana ugu daran in sheekadiisa jah wareer la iska daba wareegayo tahay.

Xiisaha goos gooska flimka YPD Phir Se waxaa sare usii qaaday in heeska la wada sugaayo Rafta Rafta muuqaal kooban lagu soo dhex daray mana loo kala harin heeskan ayadoo Dharam, Sunny, Bobby, Salman, Sonakshi iyo Rekha kasoo muuqdeen.

Filimka YPD Phir Se waxaa la daawan doonaa 31-da bishan August fadlan hoos ka daawo goos gooskiisa sida ay kuu soo jiidan doonaan reer Deol iyo quruxleyda beryahan soo shaac baxeyso Kriri Kharbanda:

2 Responses to Rasmi: Goos gooska filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se reer Deol qosol, qaraaxo iyo qiiro ayay la imaadeen (+Video)

  1. Ria Ismail

    August 10, 2018 at 9:11 pm

    Sidee daqiiqado kohor nalawadaagtee Star power 2000 waxaa rabaa inaa ugaado atriishooyinka iyo atuuruuyinka midkasto uu awuud laheed sida Madhuri, Srk, Sridev, Salman, Karishma, Aamir, kajol, Sunny, Aishwarya, Akshay, Rani, Katrina, Ranbir, kareena sidee uka la xeen badan yihiin sanadaha micnaha (Madhuri waxee heysay 6 sano) sidaas camal yaa sidee ukala heen badan yaheen sanado heen badan ama awuuda dan. Tirada guud tusaale aamir waxuu hugaanka uhaaye 2008,2003,2002, 2014 sidaan sax ma,ahan tusaale uukaliya waaye sidaas camal mahd sanadiin filimside ❤❤❤

    • Zakarie Abdi

      August 10, 2018 at 9:24 pm

      Marka 10-sano kasto dhamaato ayaan maqaal ka diyaarinaa waana kasoo hadalnay walaal atirishooyinka iyo atorayaasha inta mid walbo hogaanka heesay tusaale ahaan maqalkii 10-ka sano 1990 ilaa 99 aan kusoo koobnay awoodii atirishooyinka ayaan ku sheegnay Madhuri 5-sano xariir ah hogaanka heesay, halka Karisma Kapoor 4-sano xariir ah hogaanka heesay sidoo kalena Sridevi hal sano hogaanka heesay, si la mid ah atoorayaasha iyagana sidaas oo kale waan usoo koobnay kuna sheegnay atoore walbo inta sano ee uu hogaanka haayay 1990 ilaa 1999 Amitabh hal sano, Sunny Deol afar sano iyo SRK oo 5-sano ka badan hogaanka haayay.