Home » Nolosha Jilaayaasha » Rasmi: Goos Gooska Filmka Naa Nuvve Oo Lasoo Bandhigay Iyo Tamannaah Oo Jacel Waan Ku Arkay Waan Ku Caashaqay Ah La Timid (+Video)

Rasmi: Goos Gooska Filmka Naa Nuvve Oo Lasoo Bandhigay Iyo Tamannaah Oo Jacel Waan Ku Arkay Waan Ku Caashaqay Ah La Timid (+Video)

Naa Nuvve (Anigaa Ku leh) waa film jaceyl ah oo ay wada jilayaan Tamanaah Bhatia iyo Nandamuri Kalyan ayadoo maanta lasoo bandhigay goos gooska mashruucan.

Tamannaah Bhatia waxay filmka kujilee gabar isa farxad badan oo ka shaqeysa Radio Jockey waxay aragtida kowaad ku jeclaane Nandamuri oo ah shaqsi kalsooni badan balse dabeecad ahaan ka duwan Tamannaah.

Marka hore farxad aye lamaanahan wada qaadanayaan balse inee wada nooladan waxaa caqabad ku noqoneysa dabeecada Nandamuri sido kalena sheeko kale ayaa ku hoos duugan oo aan la garaneynin arinkaan.

Filmka waxaa Director ka ah Jayendra Panchapakesan waxaana la daawan doona 25 bishaan May sida qorshaha ah, fadlan halkaan hoose ka daawo goos gooska laga soo bandhigay filmakan Naa Nuvve.