Rasmi Goos Gooska Filmka Nawabzaade Oo Lasoo Bandhigay Qosol Iyo Dance Ugu Imaaw (+Video)

Nawabzaade waa film shactiro ah waana hubaal in badan inuu kaa qoslin doono waxuuna ka hadlaa sedex wiil oo saaxiibo ah kuwaaso hal gabar wada jeclaanayaan iyo mid walba siduu ku heli lahaa ayu ku dadaala.

Dhibka iyo foodada ay abuuri doonan ma ahan mid yar tartan xoogan ayaana dhex mari doono waxanaa sedexdaas wiil kala jili doonan atoorayaasha kala ah Raghav Juyal, Punit Pathak iyo Dharmesh Yelande halka ay atirishada ka dhaxeyso jileyso Isha Rikhi.

Hadaba mashruucan ayaa goos goos dhameestiran maanta laga soo bandhigay ayadoo horey hees kamid ah looga soo bandhigay oo ay jileen Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor oo heeskas kuleh filmka waana muuqaalkooda martida ah.

Mashruucan waxaa Director ka ah Jayesh Pradhan oo markii kowaad film Director ka noqonaayo waxaana la daawan doonaa 27 bishaan july 2018, fadlan halkaan hoose ka daawo goos gooska filmkaan laga soo bandhigay…