Rasmi: Goos Gooska Kooban Ee Heeska Badumbaa Oo Lasoo Bandhigay Amitabh Oo Dance Muujinayao Iyo Rishi Oo Xanaaqsan (+Video)

102 Not Out waa film ka hadlaayo nolosha Aabo 102 sano jiro iyo wiilkisa oo 75 sano jiro waxaana doorarkas kala jilayaan Amitabh Bachchcan iyo Rishi Kapoor kuwaaso shaashada wadaagi doonan mudo 20 sano kabadan kadib.

Hadaba waxaa horey loo soo bandhigay goos gooskaa filmkaan oo dhamestiran iyo heeska kowaad ee mashruucan hadana waxaa maalinti shalay ahed lasoo bandhigay goos gooska kooban ee heeska Badumbaa.

Heeska waxaa jilayaan Amitabh Bachchan, Rishi Kapoor iyo koox badan oo Dance muujineysa waana codka Big B heeska ayadoo Rishi uu xanaaq muujinayao heeskan sido kalenaa Amitabh isku dayaayo inuu xanaaqa ka bi’iyo wiilkiisa.

Hadaba mashruucan xiisaha leh waxaa la daawan doona 4 bisha May ee sanadkaan 2018, halkaan hoose ka daawo heeska kooban ee laga soo bandhigay.